Sara Ali Khan filimkeedii ugu dambeeyay Love Aaj Kal wuxuu noqday mashruuc bur buray waxayna isla jileen wiilka lagu xanto Kartik Aaryan sidoo kalena filimkan daawashadiis waxaa lagu beegay 14-kii Febraayo balse fasixii uu helay wuu ka faa’iideesan waayay madaama sheekadisa daawadayaasha iska diideen.

Haddaba Sara Ali Khan dad badan ayaa weerar ku qaadeen gabadhan waxayna gaartay heer ay baraha bulshada adeegsan weyso madaama lagu maadeesanayo jabkii ka raacay filimka Love Aaj Kal iyo gabadhan fudeedkii ay ku aqbashay filimkan sheekadiisa liidatay inta badana dadka waxay leeyihiin Sara waxay xiiso u qabtay la shaqeynta Katrik Aaryan ee maba aysan iska eegin sheekada filimkan!

Saif Ali Khan ayaa gabadhiisa difaacay wuxuuna ka dhawaajiyay in guusha iyo guuldarada nolosha qayb ka tahay sidoo kalena Sara tahay gabar karti badan dadaalkeena muuqdo laakiin uu la yaaban yahay gabadhiisa 3-filim kaliya sameesay sida ay caddowgan faraha badan ku yeelatay wuxuu kaloo Saif xusay caddowgaaga oo bato inay ka dhigan tahay guushaada oo badan doonto.

Saif Ali Khan sidoo kale wuxuu xusay in baraha bulshada waxa ka socdo gabadhiisa Sara ka niyad jebin doonin inay shaqadeeda sii wadato wuxuuna ku kalsoon yahay isla kuwa maanta meel cidlo ah gabadhiisa ka maageen inay berito afkooda ku amaani doonaan arintaasna uu waaya aragnimo u leeyahay sidoo kalena wuxuu gabadhiisa ku booriyay inaysan u jawaab celinin kuwa weerarka ku ah oo ay marwalbo dafirto danaheedana ka raacato.

Sara Ali Khan waxaa u diyaarsan filimka Coolie No. 1 oo la daawan doono 1 May 2020 waxayna isla jilayaan Varun Dhawan waxaana Director ka ah David Dhawan ayadoo lagu kalsoon yahay mashruucan xiisaha badan inuu daawadayaasha ka gadmi doono.

1 COMMENT

  1. Sababta baraha bulshada weerarka luugu qaaday sara Ali khan waa sawir iyada iyo walaalkeed ay wada galeen sawirkaasina runtii maha sawir qurux badan dharka bikini ga ayey qabta halku walaalkeed na uu xiranyahay buumo dabo gaab ah oo ay garabka haysato walaalkeed wiilkaba xishoonaya hadaad aragto sawirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here