Xidiga caanka ah ee laga daba dhacay Saif Ali Khan maal mahan isaga ayaa heesto hadal heynta Bollywood-ka madaama filimkiisa masraxa saaran Tanhaji ee uu laadar awood ku matalaayo Big Hit sidoo kalena waxaa 31-da bishan masraxa loo saari doonaa filimka Jawaani Jaaneman oo hadal heyntiisa meel sare mareyso.

Haddaba Saif Ali Khan wuxuu soo bandhigay heeskii la wada sugaayay Ole Ole ee uu caan ku ahaa ayadoo dib loo casriyeeyay kuna jirto filimkiisa Jawaani Jaaneman oo uu ku jilaayo nin la hasaawo ama waqti la qaato dumarkii ay is fahmaan sidoo kalena wuxuu aabo u yahay Alaya F halka Tabu ay ku mataleyso marwada gabadha u dhashay ogaal la’aan ama ka war qabista Saif la’aantiisa.

Haddaba heeska Ole Ole 2.0 24-saac ka yar ayay barta Youtube-ka ku qabsatay dhanka hadal heynta heesaha waxayna gadaal marisay heeska kale ee lagu magacaabo Shayad ee filimka Love Aaj Kaal ku jirto muuqaal ahaana waxaa kasoo muuqdeen Saif gabadhiisa Sara Ali Khan iyo Kartik Aaryan waana hees jaceyl oo qiiro badan.

Sidaa darteed dadka arimaha aflaanta ka faaloodo waxay leeyihiin Saif wuxuu hadal heynta iyo saameynta dhanka Youtube-ka kala wareegay gabadhiisa Sara waana arin xiiso badan madaama heeska Ole Ole 2.0 hogaanka heyso dhanka Trending ama hadal heynta heesaha 24-saac ugu dambeesay dhanka Youtube-ka waa dhanka Hindiya.

Heeska Ole Ole 2.0 24-saac ka yar waxaa daawadeen 7.31m waxaana lasoo galiyay Tips Official barta Youtube ku leeyihiin oo ku xiran 25.2m subscribers waxayna heesataa Trending kowaad dhanka heesaha Hindiya halka heeska Shayad iyadana 24-saac ka yar daawadeen 8.42m waxaana lasoo galiyay Sony Music India barta Youtube ku leeyihiin waxaana ku xiran 30.2m subscribers balse Trending iyo hadal heynta waxaa heesato Ole Ole 2.0 oo ilaa haatan laga yaaban yahay xawaaraha ay ku socoto.

Fadlan hoos ka daawo labada hees Ole Ole 2.0 iyo Shayad kadibna fikirkaaga ka dhiibo sida Siaf uu gabadhiisa Sara hadal heynta kaga qaatay waxaana xusid mudan in Saif filimkiisa Jawaani Jaaneman 31-da bishan la daawanayo halka Sara filimkeeda Love Aaj Kal la daawan doono 14-ka Febraayo ee bisha dambe:

Ole Ole 2.0: waxaa ku luqeenayo Amit Mishra

Shayad: waxaa ku luqeenayo Arijit Singh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here