Filim soo saaraha caanka ah Sajid Nadiadwala sanadkii hore 2019 shabakada Forbes waxay u aqoonsatay isaga iyo shirkadiisa Nadiadwala Grandson qarash gareeyaha ugu awooda badan Bollywood-ka madaama filimadiisii Super 30, Chchichore, Housefull 4 iyo Kalank ganacsi balaaran dibad iyo dal ka sameeyeen sidoo kalena awoodiisa loo dhawaan karin.

Balse Sajid Nadiadwala wuxuu sheegay hormarka ay gaartay shirkadiisa sanadkii hore inay ka darnaan doonto wacdaraha sanadkan 2020 dhigi doonaan madaama u diyaarsan yihiin filimada la wada sugaayo Baaghi 3, 83 iyo Tadap.

Sajid Nadiadwala wuxuu si gaar ah kaga hadlay filimka Tadap ee lagu soo caan bixinaayo Ahan Shetty oo uu aabo u yahay ruug cadaa Suniel Shetty wuxuuna yiri “Ahan Shetty wuxuu diyaar u yahay shaashada inuu qabsado hubanti ahaan filimkiisa kowaad ayuu dadka kaga yaabsan doonaa waayo shaqo adag ayuu qabtay dhanka Action-ka, dareenka qiirada badan iyo jaceylka uu Tara Sutaria shaashada kula wadaagayo oo heer sare ah.”

Sajid oo hadalka sii wato wuxuu yir “Shaqada Ahan filimkiisa si heer sare ah ayay u socotaa wuxuuna kusoo caan baxaa dib u sameynta filimka RX 100 oo aan ogeyn sida uu Hindiya saameyn ugu yeeshay filimkaas anaga Ahan ayaan u doornay fariintaan xasaasiga ah ee tamarta badan u baahan inuu dadka isku baro waana ku kalsoonahay inuu si deg deg ah xidig weyn ku noqon doono.”

Sajid Nadiadwala ayaa sidoo kale sheegay in Suniel Shetty oo Ahan aabo u ah marnaba wax walaac ah qabin madaama gacan amaano ah ku jiro wuxuuna yiri “Mudane Suniel mudo 28-sano ku dhow ayaan saaxiibo nahay sidaa darteed wiilkiisa waa wiilkeyga isagana wax masuuliyad ah kama saarno Ahan oo anigaa ka balan qaaday inaan Bollywood-ka kusoo daro haatana riyadaas waa mid rumowday dhawaana daawadayaasha nala arki doonaan wacdaraha Ahan dhigi doono.”

Filimka Tapad waxaa Director ka ah Milan Lutharia waxaana la qorsheenaa xagaagan sanadkan ama lixda bilood dambe sanadkan in la daawado Ahan Shetty filimkiisa kowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here