Sajid Nadiadwala waa mid ka mid ah filim soo saarayaasha ugu awooda badan Bollywood-ka waxayna shirkadiisa caanka ah Nadiadwala Grandson fanka ka hawl galeysaa in ka badan 25-sano ayadoo soo caan bixiyay jilaayaal badan sidoo kalena xidigaha Bollywood-ka ugu awooda badana wey la shaqeeyeen.

Sajid haatan waxaa tiyaatarada u saaran filimka Housefull 4 ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay sidoo kalena mashruucan daawashadiisa waxaa lagu soo dhex daray goos gooska filimka Dabangg 3 ee Megastar Salman Khan hogaamiye ka yahay lana daawan doono 20 December 2020.

Haddaba Sajid Nadiadwala ayaa sheegay inuu yahay shaqsiga kaliya ee Sallu iyo Akki isku keeni karo hal mashruuc weyna u sameyn karo wuxuu yiri “Salman iyo Akshay maanta waa labada atoore ee Bollywood-ka ugu awooda badan mana sahlano in hal mashruuc loo wada dhiibo laakiin waa labo shaqsi oo aniga xushmad weyn ii hayaan waxaana ahay halka filim sameeye ama soo saare ee labadan halyee isku keeni karo.”

Sajid Nadiadwala oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Waxaan xasuustaa in filimadii Mujhse Shaadi Karogi (2004) iyo Jaan-E-Mannn (2006) markii aan Salman iyo Akshay u wada dhiibay in dadka la yaabanaayeen sida ay iigu suura gashay midaas laakiin labaduba saaxiib dhow ayaan la ahay haddana waxaan diyaar u ahay markale mashruuc weyn oo Boxoffice-ka gil gilo inaan labadooda isugu keeno.”

Waxaan sugnaaba waa filimka weyn ee Sajid isugu keeni doono Salman iyo Akshay madaama labada Superstar haddii xiligaan shaashada kasoo wada muuqdaan wacdaro taariikhi ah dhigi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here