Super Star Akshay Kumar hadal heyntiisa wali waa socotaa qofwalbana amaan ayuu kala dul dhacayaa maadama uu noqday xidiga guusha usaaxiib ah halka waagii horena guushisa ay yareed.

Salim Khan oo ah nin mudo dheer fanka kusoo jiray sido kalena ah aabaha dhalay Mega Star Salman khan ayaa saxaafada wareysi siiyay wuxuuna ka aamusi waayey guusha uu gaaray xidigaan wuxuuna sheegay in Akki wadadii ugu fiicned ku socdo.

Salim Khan oo hadlaaya wuxuu yiri,” Xaqiiqada ayaa waxay tahay Akshay Kumar inuu ku talaabsaday maqaam uusan qofna gaari Karin,marka loo fiiriyo safarkii adkaa ee uu Bollywoodka kasoo maray iyo maanta heerka uu gaaray.”

“ Xidigaha kale ee sida Ajey Devgan, Aamir Khan, Salman Khan iyo kuwa kaleba ayagana wey hormareen sido kalena maqaam sar aye gaareen balse sida Akshay wadada ugu saxsan u qaaday majiro xidig u qaaday ilaa haatan.”

Marka la fiiriyo hadalka Salim waa sax waayo Akshay Kumar wuxuu 90kii ahaa atoore aflaamta mushaar inuu helo uun usameynaayey asigoon fariinta filimka qiimeyneenin sido kalena aflaamtisa hal jadwal unbey u badnaayen kaaso ah aflaam Action kaliya aye ahaayen intooda badan.

Balse maanta wuxuu noqday qof indhaha u furmeen sido kalena fariimaha ugu wanaagsan waqtigaan doorta waana mida dad weynaha ku kaliftay inee tiyaatarada soo wada aadaan ama taagero ha u ahaadaan mise yeesan u ahaanine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here