Salim Khan Oo U Walwalsan Wiilkisa Salman Khan Kadib Hanjabaadi Dilka Gangster-ka Kasoo Yeertay!!

Sidaan shalay idiin la wadaagnayba waxaa horey loogu hanjabay Mega Star Salman Khan oo loogu hanjabay in la dili doono waxaana la sheegay in Gangster-ka weyn ee Lawrence Bishnoi uu u hanjabay jilaagan isagoo xabsiga ku jirana dad ka adeejinaayo.

Salman Police-ka Mumbai ayaa aqalkiisa Bandra isku hareereyeen sido kalena qoyskiisa aad ayee ugu wal walayaan ilaaladiisa qaaska ahna waa la kordhiyay sida la sheegay.

Salim Khan oo ah aabaha dhalay Salman Khan ayaa saxaafada la falgalay waxana la weydiyay dareenkisa iyo waxa uu ka dhahaayo arinkaan,”qoys ahana marka aan u hadalno nafsadaheena uma baqaneeno balse waxaan kaliy ka wal walsanahay hanjabaada Salman loogu hanjabaayo dil iyo iskudayo fara badan oo loo geestay si loo dilo.”

“Hadeer ilaaladiisa qaaska ah waa la kordhiyay waana kuwa aan ku kalsoonahay shaqsi ahaan mudo dheerna Salman la shaqeynayaan sido kalen Police-ka Mumbai ayaa na garab taagan har iyo habeen wax dhib ahna ma dhici doono sidaan rajeyneyno.”