Home » Nolosha Jilaayaasha » Salim Khan “Tani Ma Aha Markii Ugu Horeysay Oo Salman Khan Loo Hanjabo Ama Noloshisa Qatar Gasho”

Salim Khan “Tani Ma Aha Markii Ugu Horeysay Oo Salman Khan Loo Hanjabo Ama Noloshisa Qatar Gasho”

Gangster Rajasthan kasoo jeeda sido kalena lagu magacaabo Lawrence Bishnoi ayaa Salman Khan u hanjaby inuu dili doono si cad waliba.

Sido kale waxaa dhacday in Salman Khan lagu soo weeraro goobta uu ku duubayey filmkiisa Race 3 balse Police-ka ayaa xili wanaagsan yimaden sida awged Salman oo nabad qaba ayaa gurigiisa loo wada.

Hadaba arinkaan saxaafada waxay wax ka weydiysay aabaha dhalay Salman Khan ee Salim Khan, Salim waxuu yiri,” xaqiiq rasmi ah wali kama helin goorti uu Salman kasoo tagay duubista Filmka Race 3 balse waxaan idiin sheegaya in aysan ahen tani markii ugu horeysay ee Salman loo hanjabo ama nafsadiisa qatar gasho.”

“Inta uu Bollywoodka ku dhexjiray marar badan oo kala duwan ayaa loo hanjabay isaga kaliya ma ahee shaqsi walba oo ka tirsan Bollywoodka ayaa midaas oo kale la kulma had iyo jeer.”

Salim waxaa wax laga weydiyay waxa ay sameyn doonan ama ku dhaqaaqi doonan marba hadii wiilkisa Salman nafsadiisa qatar ku jirto waxuu ku jawaabay.

“Waxa ugu weyn ee aan sameyn doono qoyskena ayaa ah inaan had iyo jeer ka taxadarno oo aan ilaalino Salman waayo duubis ayuu badana ku guda jira inkastoo uu heysto ilaalo gaar ah oo aad u ilaaliyaan hadana waan difaacena oo waan ka taxadarena.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *