sallu mardambe magaca Dabangg lagama maqli doono iyo Filimka Dabangg 3 iyo mudo 3 todobaad ganacsiga uu sameeyay khalaas filimkaan waa u dhamaatay.

0
1168

Filimka Dabangg 3 ayaa todobaadkiisii 3aad keenay lacago kayar 4 crore ayadoo gabi ahaanba daawadayaasha filimkaan iska diideen daawashadiisa asigoona siweyn ugu fashilmay Box Officeka.

Filimkaan oo markii hore mowjado banaanbaxyo wadanka ka dhacaayay hareeyeen ayaa waxaa ugu sii darsantay sheekadiisa oo la dhaliilay waxayna u muuqataa in Sallu aan haatan kadib magaca Dabangg laga maqli doonin kadib fashilkii taariikhiga ahaa ee filimkaan ku habsaday waxayna u badantahay in Sallu uu Flopkiisii ugu horeeyay mudo 10 sano uu dhadhamin doono.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo D3 iyo mudo 3 todobaad ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 112.53 crore.

Week2; 19.24 crore.

Jimce; 50  lakh.

Sabti; 75 lakh.

Axad; 1.25 crore.

Isniin; 40 lakh.

Talaado; 35 lakh.

Arbaco; 35 lakh.

Khamiis; 25 lakh.

Wadarta guud; 135.52 crore.

Dabangg 3 ayaa qiyaastii 1 crore ilaa 1.50 crore ku darsan doono lacagihiisa wuxuuna cimri ahaantiisa ku istaagi doonaa 136 ilaa 137 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here