Filimka Dabangg3 waa qeybta sadaxaad ee filimka hirgalay ee Dabangg waana mid kamid ah filimada loogu jecelyahay Mega Star Salman Khan gaar ahaan doorkiisa Chulbul Pandey oo uu askariga ku matalaayo.

Filimkaan ayaa waxaa siweyn u sugaayo daawadayaasha Hindiga iyo kuwa daafaha caalamkaba waana filimka ugu weyn ee sanadlaan Bollywoodka la imaadeen maadaama filimkaan uu yahay taxane qeybihiisii hore siweyn looga helay.

Hadaba filimkaan ayaa maalinta Jimcaha nagu soo fool leh tiyaatarada India la saari doonaa waxaana isi soo taraya wararka filimkaan la xiriira ay warbaahinta kasoo qorayaan anagana hadii aan nahay bahda Filimside waxaan u taaganahay inaan akhristayaasheena sharafta leh ka caawino wixii Update ee filimkaan ku saabsan.

Ugu horeyn Dabangg3 ayaa tikidkiisa hormariska ah maalinta bari la bilaabi doonaa waxayna maqaal ay kasoo qortay shabakada BOI ku sheegeen in ay aheyd in filimkaan tikidkiisa horamriska ah lasii bilaabo 5 maalmood kahor intaan tiyaatarada la saarin.

Maadaama uu yahay filimkaan filim weyn misna hadal heyntiisa wato waxay aheyd in axadii lasoo dhaafay oo kale la bilaabo iibinta tikidkiisa hormariska si filimkaan bilaabasho waali ah u sameeyo hase yeeshee midaas ma aysan dhicin oo bari ayaa la bilaabayaa sidaas oo ay tahayna BOI waxay leedahay filimkaan bilaabasho taariikhi ah ayuu sameyn karaa xitaa waxaa macquul ah inuu jabiyo rikoorka filimka Sanju ee maalin fasax jirin la saaray.

Sidoo kale BOI waxay leedahay filimada Golmaal iyo 2.0 tikidkooda hormariska waxaa la bilaabay maalin arbaco sidaas oo ay tahayna si weyn ayay ku furmeen marka rajada marwalba ma xuma.

Dhanka kale filimkaan waxaa la saari doonaa sida warar aan ku heleyno qiyaastii 4500 tiyaatar ilaa 5000 oo tiyaatar waana arin aad u wanaagsan oo filimkaan ganacsigiisa waxbadan ka caawin doonto.

Ugu dambeyn ilaa iyo haatan lama soo bandhigin qarashaadka rasmiga ee filimkaan lagu qarash gareeyay sidaas oo ay tahayna waxaa loo badiyanaa waliba hubaal laga dhigayaa in filimkaan uu noqon doono filimka lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyo asigoona dhaafi doono filimka War oo ku dhawaad 300 crore bartamihii sanadkaan keenay.

Sallu waa soo laabtay waxaan sugnaaba waa Chulbul Pnadey iyo wacdaraha uu jimcahaan dhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here