Is qaraabeysi waxaa laga wadaa is garab sin la isku garab siiyo howl noocee doonto ha noqote sida waxbarasho, shaqo iyo wixii lamid ah oo qofka ay ku caawiyaan xiktadiisa markaas meesha oga soo horeyeen.

Bollywoodka jilayaasha magaca iyo maqaamka ku yeeshteen badankooda is qaraabeyso ayaa lagu keenay shirkadaan balse qofka heerka uu markaas Bollywoodka ka gaari karo isaga ayee ku xirantahay habka uu u dadaalo.

Maqaalkaan waxaan kaga hadli doonnaa ama magacaawi doonnaa qaar kamid ah shaqsiyaad caan ka ah dunida oo isqarabaaeysi lagu keenay Bollywoodka maadama aan horey u magacaawnay qaar kamid ah kuwa aan isqaraabeysi ku imaanin guud ahaan Bollywood silac iyo dhibna ku imaadeen.

Waa xidigo badan balse qaar kamid ah hoos kaga bogo: Reer Kapoor Oodhan: Guud ahaan reer Kapoor fanka wey iska dhaxleen ama jiilba jiilka ka dambeeya ayuu ku caawiyay inuu shaqo ka helo Bollywoodka waxaana ugu horeeyay wax reer Kapoor ah oo Bollywoodka ka mid noqda oday Prithviraaj Kapoor oo ah awoowga Rishi Kapoor.

Halyeeydii Bollywoodka iyo fanka hindiyaba aas aaseen ayuu kamid yahay waxuu Bollywoodka keenay wiilkiisa Raj Kapoor sido kale Raj Kapoor waxuu Bollywoodka keenay walaalihiis Shaammi Kapoor iyo Shaashi Kapoor iyo wiilashiisa Rishi Kapoor & Randhir Kapoor.

Rishi wiilkiisa Ranbir ayuu ku caawiyay inuu Bollywoodka kamid noqdo halka Randhir gabdhihiisa Karisma Kapoor iyo Kareena Kapoor ku caawiyay inee shirkadaan soo galaan. Reer Kapoor-ka kale Boney Kapoor ayaa walaalihiis Anil Kapoor iyo Sanjay Kapoor-ba ku caawiyay inee shaqo ka helaan shirkadaan ilaa ay ka keenaan caruurtii ay sii dhaleen sida Sonam Kapoor, Arjun Kapoor iyo Jahnvi Kapoor.

Hoos kaga bogo jilaa walba qofka ku caawiyay xiktadiisa ah si gaaban:

Salman Khan (Aabihiis Saalim Khan)

Aamir Khan (Adeerkii Nasir Hussein & Ina Adeerkiis Mansoor Khan)

Ajay Devgn (Aabihiis Veeru Devgn)

Sunny Deol & Bobby Deol (Aabahood Dharmendra)

Kajol (Hooyadeed Tanuja)

Hrithik Roshan (Aabihiis Rakesh Roshan)

Abhishek Bachchan (Amitabh Bachchan)

Sanjay Dutt (Aabihiis Sunil Dutt)

Rani Mukerji (Aabo, hooyo, walaal, abaayo Rani ehelkeeda badankooda Bollywoodka kaga soo horeyeen kuna caawiyeen)

Tusshar Kapoor (Aabihiis Jeetendra)

Varun Dhawan (Aabihiis David Dhawan)

Alia Bhatt (Ehelkeeda ayaa ka buuxaan meesha sida Aabahed, Walaashed iyo Adeeradeed).

Tiger Shroff (Aabihiis Jackie Shroff)

Uday Chopra (Aabihiis iyo walaalkiis oo Reer Chopra ah)

Shraddha Kapoor (Shakti Kapoor) Iyo kuwa kale oo badan halkaana lagu soo koobi karin….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here