Salman Khan ceebtiisa ma ahan ee waa caadadiisa qofka ay isku dhacaan ama is qabtaan wey adag tahay inay dib isku fahmaan ama isku shaqeeyaan markaana tii ugu darneyd ayuuba sameeyay madaama uu iibsaday xuquuqda filimka Wanted 2 si uusan markale ula shaqeynin filim soo saaraha caanka ah Boney Kapoor waxaana Wanted 2 Director ka noqon doono Prabhu Deva oo horey u sameeyay qaybtii kowaad Wanted oo 10 sano ka hor la daawaday.

Madaama filmka Wanted iska leeyahay Boney Kapoor waxay ahayd Salman Khan inuu ogolaansho ama fasax ka helo Boney haddii uu doonayo inuu Wanted 2 sameeyo balse midaas ma dhicin oo Sallu fasax la’aan ayuu Prabhu Deva u sheegay inuu Wanted 2 diyaariyo inkastoo Boney xaq u leeyahay inuu dacwad u gudbiyo haddana midaas ma sameynin oo wuu iska dhaafay wuxuuna aqbalay in Sallu Wanted 2 sameesto isaga la’aantiisa.

Salman Khan wuxuu Boney Kapoor iyo ehelkiisa xiriirka ugu jaray kadib markii Boney wiilkiisa Arjun Kapoor sabab u noqday bur burkii ku yimid qoyska Arbaaz Khan oo ay kala tageen xaaskiisii Malaika Arora haatana waxaa saaxiibo ah Malaika iyo Arjun sidaa darteed Sallu marnaba ma doonayo inuu qoyskan soo dhaweesto inkastoo horey shaqooyin kala duwan u wadaageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here