Warbaahinta Hindiya ee dhanka aflaanta ka faalooto ayaa si gaar ah weerar ugu hayaan Megastar Salman Khan waxayna ku heestaan xog la ogaaday in filimkiisa xiga Kabhi Eid Kabhi Diwali doorar muhiim ah ku yeelan doonaan sedex wiil uu isaga Bollywood-ka kusoo daray balse aan weli hana qaadin ama daawadayaasha ka gadmi waayeen.

Waxaa haatan la ogaaday in Salman Khan uu filimkiisa kusoo daray atoorayaasha kala ah Sooraj Pancholi, Zaheer Iqbal & Aayush Sharma waana sedexda wiil uu isaga shiradkiisa SKF kusoo caan bixiyay in filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali doorar muhiim ah ku yeelan doonaan waxaana filimkan la daawan doonaa Eid 2021 waxaana soo saare ka ah Sajid Nadiadwala.

Sooraj Pancholi wuxuu Salman kusoo caan bixiyay filimkii Hero ee sanadii 2015 la daawaday, seedigiis Ayush Sharma isna filimkii Loovetri 2018 la daawaday ayuu kusoo caan bixiyay halka Zaheer Iqbal isagana filimkii Notebook lagu soo caan bixiyay waxayna sedexdaan wiil ka siman yihiin aflaanta ay kusoo caan baxeen inaysan wax saameyn ah yeelanin oo ay ganacsi ahaan fashilmeen balse Salman arintaas waxba kama galin wuxuuna go’aansaday filimkiisa xiga Kabhi Eid Kabhi Diwali inay kala soo muuqdaan.

Filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali waxaa Director ka ah Farhad Samji waana filim mada daalo dhameestiran leh oo ka hadlaayo ama lagu soo bandhigi doono xiriirka wanaagsaneyn ka dhaxeeyo Hinduuga iyo Muslimiinta wuxuuna rabaa Sallu in filimkan uu noqdo mid isku soo dhaweenayo dadka diimaha kala duwan heestaan ee gudaha Hindiya ku nool.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Sooraj, Ayush iyo Zaheer in filimkan ku matali doonaan sedex saaxiibo ah oo Salman garab siin doonaan madaama Sallu mashruucan hogaamiye ka yahay waxaana lagu wadaa in shaqada filimkan bilaabato marka Sallu soo idleeyo duubista filimkiisa Radhe oo haatan gabo gabo ku dhow lana daawan doono Eid 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here