Halyeey Bollywood Vinod Khanna (Mastaana) wiilkiisa Akshaye Khanna dadka badan kama warqabaan inuu kamid yahay doobabka ugu waaweyn Bollywoodka waqtigaan maadama uusan waligiis guursanin ilaa hadana nolosha kali ku yahay.

Waa 44 jir waxuuna si cad u sheegay sababta uusan u guursan doonin noloshiisa inta ka dhiman sanadkii 2017 ama 2 sano akhor ayuu arrinkaan shaaciyay xili uu xayeysiin u sameeynaayey filimkiisa Mom ee isla sanadkaas la daawaday.

Waxuu yiri Akshaye markii wax laga weydiiyay arimaha guurkiisa,”waxaan ku faraxsanahay oo aan nafis ku dareemaa nolosha kalida ah kama helo guur iyo in aan qofkale la noolaado.”

Atooraha Filimka Hulchul ayaa sii sharaxay sheekada waxuuna yiri,”aniga waligey arooska waan ka cabsan jiray mana aaminsani in aan farxad ku noolaan karo hadaan guursado oo buuq iyo dagaal joogto ah inaan kujiraayo ayaan aaminsanahay.”

“Sidaa aawged xiriir jaceyl waan sameynaa markaa ka xiisana mid cusub ayaan sameeysana hadana balse macquul ma ahan inaan guursado oo nolosheyda hal qof ku koobo hal gurina kuwada noolaano.”

Saxaafada qaarkood ayaa sanadkii 2012 waxay suuqa u galiyeen xidigaan inuu laga roone ama wax matare yahay sidaasna guur ku diiday balse Akshaye sheekadaas dhagta uma uusan raaricin mar hada kahor lagu badiyay suaasha guurkiisa ayuu yiri.

“Aniga nolosheyda side ku faraxsantahay iigi daaya qof walba si ayuu jecel yahay bal orda oo Salman Khan soo weydiiya sababta uu u guursan waayey waa ballan waan guursan doonaa hadii uu Salman guursado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here