Sooraj Barjatya waa Director-kii sameeyay Filimada hirgaleen sida Maine Pyaar Kiya, Hum Aapke Hain Koun, Hum Saathi Saathi Hain iyo kuwa kale waa Filimsameye taariikh weyn iyo maqaam weyn kuleh fanka hindiya.

Filimsameyahan wiilkiisa lagu magacaabo Devaansh ayaa guursaday dhowaan, arooska kadibna waxaa loo dhigay xaflad uu arooskiisa ugu dabaal dagaayo taaso ka dhacday Hotel Five Star waxaana kasoo qeyb galeen marti aad u badan.

Dhanka Bollywoodka xidigo badan oo caan ah ayaa soo xaadireen xafladan waxaana kamid ah in badan oo qoyska Salman Khan katirsan oo joogeen goobta sababtana waa in Director-kan iyo qoyskaan is xiriirin iyo xushmad weyn ka dhaxeyso si qaas ah isaga iyo Salman oo soo wada shaqeyeen.

Martida kale ee kasoo qeyb galeen xaflada waxaa kamid ah Shahid Kapoor iyo xaaskiisa, Madhuri Dixit iyo seygeeda, Tabu, Kartik Aryan, Amrita Rao, Subhash Ghai, Mahesh Bhatt, Pankaj Kapoor, Satish Kaushik iyo kuwa kale hoos ka daawo sawiradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here