Sanadkaan 2019 waxuu ku dhowyahay dhamaad waxaana aragnay dhacdooyin kala duwan oo taariikhda diiwaan galisay marka aan ka hadalno fanka hindiy si qaas ah Bollywoodka waxyaabo badan ayaa la arkay.

Maqaalkan waxaan ku xuseynaa 5 dhacdo cajiib ah oo dhaceen intii lagu guda jiray xayeysiin u sameeyn filim waxayna ka hadal heyn bateen filimadaas la xayeysiinaayey hoos kaga bogo:

Salman Khan iyo Katrina Kaif: intii lagu guda jiray xayeysiin u sameynta filimka Bharat sanadkaan si qaas ah xili hees kamid ah mashruucan lasoo bandhigaayey Salman waxuu ku dhawaaqay in Katrina doorkeeda Bharat ku mudantahay National Award dadka kale iyo Katrina kaftan ayee u qaateen balse markii la arkay Sallu oo qiiroonaayo aadna oga helay doorka Kaif ee mashruucas waa lala yaabay inee daacad ka ahed mudo ayaana la wadwaday goobtaas uu Salman ku qiirooday.

2019 Recap: 5 times 'drama' at launch events became bigger than the film itself

Kangana Ranaut: mar ay xayeysiin u sameyneysay filimkeeda Judgmental Hai Kya Ranaut waxay weerar ku qaaday suxufi kamid ahaa saxaafadii goobta joogeen oo ay ku qabsatay sababta uu nolosheeda gaarka ah iyo filimeeda xan been abuur ah oga qoro marwalba sidaasna uu ku shaqeesto arinkaan hadal heyn weyn ayuu abuuray.

Varun Dhawan iyo Sanjay Dutt: intii lagu guda jiray Kalank xayesiintiisa wariye ayaa Sanjay Dutt weydiiyay inuu dadka la wadaago Sanju Baba dadka uu ugu neceb yahay aduunka waana su’aal qaldan oo meesha looga baahneen waxaana Dutt intuusan hadlin difaacay Varun Dhawan oo wariyahaas canaantay waana lagu ammaana Varun jawaabtiisa mudo ayaana la wad waday.

Shahid Kapoor iyo Kiara Advani: Wariye ayaa Shahid hal suaal ku celceliya dhowr jeer intii ay xayeysiin mashruucoda Kabir Singh u sameynayeen suaashaso uu Shahid inuu ka jawaabo ka leexanaayey waana suaal ku saabsaned shumisa Shahid iyo Kiara filimkaas kudhexmaraayo Shahid oo carooday ayaa wariyaha u tilmaamay inuu Kabir Singh daawdo halkaas ka ogaado shumiska.

Deepika: xidigtaan mar ay soo bandhigeysay goos gooska filimkeeda Chhapaak wey qiirootay weyna ooysay dadka oo wada arkayaan muuqaalo iyo sawiro ayaana laga qaatay sababte la ooysayan waxay ahed inee ka qiirotay gabadha nolosheeda ay ka hadleyso ee Laxmi Agarwal taaso wajiga aashito looga shubay kooxda filimka oo goobta joogeen waxay sheegen in Deepika iska ooyi jirtay marwalba oo ay muuqaal qiiro leh duubesay filmkaan gudihiisa.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here