Mega Star Salman Khan mudo sedex bilood ku dhow wuxuu go’deen ku yahay beertiisa Panvel balse waa meel uu ku nasanaayo sidoo kalena ku dadaalo inuu taageerayaashiisa halkaas kasoo mada daaliyo waayo intii bandowga lagu jiray wuxuu halkaas ku duubay sedex hees oo fariin ahaan kala duwan isagana ku luqeenayo.

Balse Salman beertiisa weyn Panvel markaan waxaa waxyeelo u geesatay dabeesha Cyclone Nisarga ee gobolka Maharashtra ku dhufatay waxaana halkaas kula sugay Jacqueline Fernandez iyo Iulia Vantur iyo qaar kale oo saaxiibadiisa ka mid ah.

Iulia Vantur ayaa baraha bulshada soo dhigtay dhibaatada Salman beertiisa soo gaartay madaama geedaha qaar jajabeen sidoo kalena caleemaha ka daateen inta duufaanta ama dabeesha xooga badne Cyclone Nisarga socotay, waxayna gabadhan Romanian-ka ah ee saaxiibada aadka ugu dhow Salman sheegtay in roobkii istaagay haatana jawi dagan ku jiraan qoraxdana dib usoo laabatay.

Salman Khan beertiisa Panvel ayuu wax kala agaasimaa asigoo sidoo kale howlo samafal meesha ka wado madaama maalin walbo beertiisa ka baxaan gawaawi shixnad raashiin xir xiran wadaan oo dadka masaakiinta ah loogu qeybiyo sidoo kalena maalin walbo wuxuu bixiyaa mushaaraadka shaqaalaha kala duwan ee Bollywood-ka nolol maalmeedkooda kasoo saaran jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here