Megastar Salman Khan wuxuu la mid yahay dhamaan jilaayaasha Bollywood-ka ee guri jooga noqdeen madaama Hindiya xaalad bandhow ah ku jirto isku socodka iyo shaqooyinka la hakiyay si Coronavirus-ka looga guuleesto.

Sidaa darteed Salman Khan filimkiisa weyn Radhe: Your Most Wanted Bhai oo qorshaha ahaa in la daawado Eid 2020 ama 22 May 2020 haatan shaki weyn ayaa la galinaa in waqtigii loogu tala galay la daawan doono saameynta COVID-19 awgeed sidaa darteed waxay u badan tahay Sallu in Ciidul Fitrigan masraxa laga weyn doono.

Salman filimkiisa Radhe waxaa shaqo ahaan u harsan labo heesood oo aan weli la duubin sidoo kalena xayeysiin balaaran looma sameyn karo lamana yaqaan xiliga xaalada caadi kusoo laaban doonto arinkaas awgeed Salman oo soo saare ka ah filimka Radhe ma doonayo inuu halis hor leh u bareero oo 22-ka May filimkiisa masraxa lasoo saaro.

10-ka sano ugu dambeesay Salman Khan Ciidul Fitriga lama weyn jirin waa qasab inuu filim masraxa soo saarto marka laga reebo sanadii 2013 oo uusan wax filim ah la imaanin sanadaasna waxaa ka faa’iideestay SRK oo filimkiisii Chennai Express Hindiya ku qabsaday asigoo noqday Blockbuster weyn. Sidaa darteed waxaa loo badinaa in Salman filimkiisa Radhe baaqan doono oo aysan suurta gal noqon doonin in Ciidul Fitrigan la daawado.

Hadaan idin xasuusino filimada Salman Khan 11-ka sano ugu dambeesay xiliga Ciidul Fitriga masraxa loo saaray waxaa ka mid ahaayeen Wanted (2009), Dabangg (2010), Bodyguard (2011) Ek Tha Tiger (2012), Kick (2014), Bajrangi Bhaijaan (2015), Sultan (2016), Bharat (2019), Tubelight (2017) iyo Race 3 (2018).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here