Megastar Salman Khan ayaa shaqo adag usoo jeedsaday markaan kadib fashilkii Dabangg 3 waxuuna saxiixanayaa mashaariic xiiso leh waxaan ogeyn Radhe-Your Most Wanted Bhai iyo Kabhi Eid Kabhi Diwali markaana Filim kale ayaa la sheegay.

Inkastoo Filimkaan si rasmi ah loogu dhawaaqin hadana warar hoose ayaa sheegayaan in Salman saxiixday Filim dagaal ah oo uu kujilaayo askari Punjab kasoo jeeda si gaar ah reer Sikh waxaana la jilaayo seedigiis Aayush Sharma.

Aayush Filimka waxuu ku jilaa Gangster waqooyiga Hindiya kasoo jeeda isaga iyo Salman ayaana is wajihi doonaan marka hadii aad ku aragtay Salman Khan isagoo askarnimo ku xarakeynaayo markaan askari Punjabi asoo ah ayaad arkeysaa.

Salman oo duub uxiran garr iyo shaarib waaweyna leh misane si waali u dagaalamaayo ayaa shaashada lagu daawan doonaa waxaana la sheegay May 2020 in duubis lagu bilaawi doono Abhiraj Minawala ayaana Director ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here