Labada Superstar ee awooda badan Salman Khan iyo Hrithik Roshan ayaa qaadeen talaabooyin ay ku joojiyeen bandhig faneedyo iyo socdaalo ay ku tagi lahaayeen meelo ka baxsan dalka Hindiya madaama cabsi xoogan caalamka ka jirto sida caabuqa halista badan Coronavirus u faafiyo dadkana aysan isku imaan karin sidaa darteed haatan waxaa muhiimada kowaad la siinayaa bad baadinta bini aadanka.

Salman Khan waxaa lagu waday inuu Waqooyiga Ameerika gaaro gaar ahaan USA & Canada bandhig faneed walaalkiis Sohail Khan soo qaban qaabiyay ku qabto magaalooyinka Atlanta, Detroit, Boston, Toronto, Dallas, Houston, San Jose, iyo Seattle laga bilaabo 3 April ilaa 12-ka April balse haatan bandhig faneedkaan gabi ahaantiisa waa la kansalay kadib markii Salman iyo kooxdiisa la tashteen gudiga qaban qaabada bandhig faneed ee labada dal USA & Canada oo walaac ka muujinayaan isku imaatinka dadka faraha badan ka dhalan karto in caabuqa halista badan la isugu gudbiyo.

Dhinaca kale Hrithik Roshan isagana Waqooyiga Ameerika ayuu socdaal ku tagi rabay asigoo bandhig faneed 9-maalmood soconaayo ku qaban rabay magaalooyinka an Jose, New Jersey, Dallas, Chicago, Washington iyo Atlanta si uu taageerayaashiisa ula fal galo balse haatan gabi ahaanba bandhig faneedkan isagana waa la kansalay si dadka isku imaanayo caabuqa halista badan ugu dhex faafin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here