Nidaamka kala saarista awoodaha jilaayaasha waxay shabakada BOI isku raac siisaa toban sano kasto sidaa darteed 10-kaan sano (2010 ila 2019) haatan gabo gabo ayuu yahay waana muhiim inaan idinla wadaagno atoorayaasha awooda leh dhibcaha ay heestaan.

Sidee BOI ku qiimeysaa dhibcaha ay bixiso: waxay ku qiimeysaa aflaanta guulaha gaaraan oo dhibco gaar ah lagu xeen daabo sida xeerka yahay hoos kaga bogo:

All Time Blockbuster – 750 dhibcood ayaa lagu helaa

Blockbuster – 500 dhibcood ayaa lagu helaa

Super Hit – 250 dhibcood ayaa lagu helaa

Hit – 100 dhibcood

Haddaba waxaan idiin heynaa Salman Khan iyo 10-kan sano dhibcaha uu heesto wadarta guud Star Power Point System waxaa loo yaqaano.

All Time Blockbuster 1-filim (Bajrangi Bhaijaan) – 750 dhibcood.

Blockbuster 8-filim (Dabangg, Ready, Bodyguard, Ek Tha Tiger, Dabangg 2, Kick, Sutan & Tiger Zinda Hai) – 8×500 = 4000 dhibcood.

Super Hit – 0 filim

Hit 1-filim (Prem Ratan Dhan Payo) – 100 dhibcood.

Wadarta Guud dhibcaha uu Salman Khan heesto 10-kaan sano (2010-19) – 4850 dhibcood.

F.G: Sallu waxaa u harsan filimka Dabangg 3 oo dabyaaqada sanadkan soo bixi doono hadii uu Hit dhameestiran noqdo dhibco ayuu ku heli doonaa.

Gunaanad: Shabakada BOI waxay dhibco ku bixisaa marka uu filimka HIT dhameestiran noqdo (Hit, Super Hit, Blockbuster & All Time Blockbuster) waa marxalada filimka macaash looga helo.

La soco Akshay Kumar iyo dhibcaha uu heesto 10-kaan sano (2010-19).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here