Salman Khan waa shaqsiga waqtigaa ugu awooda badan dhanka Box-officeka waayo sanadadii dambe wuxuu isdabataxaayey Blockbusters waaweyn.

Sallu horey ayuu uyiri kuwa filimada ka faaloodaan filimkeyga Tubelight boqol dhibcood hadee siiyaan iyo hadee waxba siinin kalama jecli.

taasi micnaheedu waxay tahay in xidigaan isku kalsoonyahay sido kalena maanta shacbiyad balaaran ku leeyahay gudaha India .

si kastee ahaataba shabakada Bollywoodlife ayaa xog hore iskusoo aruurisay ayaadoo kahadashay aflaamta Sallu kuwa sheeko ahaan laga soo minguuriyay aflaam kale iyo natiijada ay gaareyn.

waan kaxunahay Sallu nasiib uma leh aflaamta sheeko ahaan lasoo min guuriyay weyna dhacday midaas xaqiiq ahaan halkaan hoose kaga bogo aflaamta Sallu ee sheeko ahaan lasoo minguuriyay.

Judwaa: waxaa la daawaday sanadkii 1997 natiijadiisa waa Hit waxaase laga soo min guuriyay filimka Hollywoodka ah ee Twin Dragons ee uu Jackia Chan hogaamiyaha ka yahay.

Kahin Pyaar Na Ho Jaaye: waxaa la daawaday sanadkii 2000 natiijadiisa waa Flop asigoo laga soo min guuriyay filimka Hollywoodka ah ee lagu magacaabo  The Wedding Singer.

Har Dil Jo Pyaar Karega: waxaa la daawaday sanadkii 2000 halka natiijadisana uu noqday filim Average ah oo guul dhexdhexaad ah gaaray waxaana sheekadiisa laga soo qaatay filimka While You Were Sleeping.

Salaam-E-Ishq: A Tribute To Love waxaa la daawaday sanadkii 2007 natiijadiisa waa Disaster waxaana laga soo min guuriyya filimka Love Actually ee Hollywoodka ah.

Partner: waa filim la daawaday sanadkii 2007 wuxuuna noqday Super Hit halka sheekadiisa laga soo min guuriyay filimka lagu magacaabo Hitch.

God Tussi Great Ho: waaxaa la daawaday sanadkii 2008 wuxuuna noqday Flop halka lagasoo min guuriyay sheekadiisa filimka Hollywoodka ah ee Bruce Almighty.

Yuvraj: waa filim la daawaday sanadkii 2008 wuxuuna noqday Flop sheekada filimkana waxaa laga keenay Filimka lagu magacaabo Rain Man ee Hollywoodka Ah.

Tubelight: waxaa la saaray tiyaatarada maalin jimco ah kuna beegneed ciidul fidrigii sanadkii 2017 sheekada filimkaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Hollywoodka ah ee Little Boy, hadaba natiijada filimkaan wuxuu noqday Below Average wana filim guuldarestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here