Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan iyo Priyanka Chopra oo kasoo muuqday liiska 500 hogaamiye ee ugu saameynta badan dhanka ganacsiga

Salman Khan iyo Priyanka Chopra oo kasoo muuqday liiska 500 hogaamiye ee ugu saameynta badan dhanka ganacsiga

Salman Khan iyo Priyanka Chopra ayaa kasoo muuqday liiska 500ta boqol ee shaqsi ee ugu saameynta badan marka ay timaado hogaamiyeyaasha ganacsiga ee shabakadda Variety (influential business leaders).

Majaladda Isbuuclaha ah ee kasoo baxda dalka Mareykanka Variety ayaa qiimeyntaan ku sameysay ganacsato adduunka dacalladiisa ah, kuwaasoo qiimaha lacageed ee ay heystaan wadar ahaan lagu qiyaasay 2 trillion oo dollars.

The list also includes Karan Johar, Aditya Chopra, producer Ekta Kapoor, the Ambani brothers, Sidharth Roy Kapur, Punit Goenka, Kishore Lulla, Uday Shankar and Subhash Chandra.

Liiskaan 500 shaqsi sidoo kale waxaa ku jira magacyada Karan Johar, Aditya Chopra, Sidharth Roy Kapur, Punit Goenka, Kishore Lulla, Uday Shankar iyo Subhash Chandra.

Shabakadda Variety500 ayaa Salman Khan ku tilmaantay mid ka mid ah xiddigaha ugu awoodda badan badan Bollywood kaasoo saameyn buuxda ku lahaa Box Office-ka muddo dheer.

Salman sidoo kale wuxuu leeyahay NGO-ga lagu aaminsan yahay dhanka tabarucaadda ee Being Human taasoo waxbarashada iyo caafimaadka diiradda saarta.

Priyanka ayaa sidoo kale kasoo muuqatay liiskaan, tan iyo markii ay ku guuleystay billada Miss World marnaba gabadhaani hoos ma eegin, waxay kusoo biirtay Bollywood oo ay uga sii dallacday Hollywood. Waa ambaashadoorka UNICEF Goodwill Ambassador for Child Rights, sidoo kale waxay leedahay Priyanka Chopra Foundation for Health and Education.

India ayaa guud ahaan 12 shaqsi ku yeelatay 500 shaqsi ee ah hogaamiyeyaasha ugu saameynta badan dhanka ganacsiga ee shabakadda Variety. Waxaana ka horreeya India marka liiskaan laga hadlayo Mareykanka oo ku leh 362 shaqsi, UK (28 shaqsi), China (20 shaqsi), France (16 shaqsi) iyo Germany (15 shaqsi).

One Response to Salman Khan iyo Priyanka Chopra oo kasoo muuqday liiska 500 hogaamiye ee ugu saameynta badan dhanka ganacsiga

  1. ccm Reply

    December 2, 2017 at 6:36 pm

    salman khan wuxuu kaalinta koowaad ka galay liiska 500 shanta boqol ee muslimiinta ah ee ugu saameeynta aduunka isagoo kaga sara maray zayn malik iyo mesut ozil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *