Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan, Jacqueline Fernandez Iyo Kooxda Race 3 Oo Ka Qeyb Galeen Xafladi Ramesh (+Sawiro)

Salman Khan, Jacqueline Fernandez Iyo Kooxda Race 3 Oo Ka Qeyb Galeen Xafladi Ramesh (+Sawiro)

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba waxaa shalay lasoo bandhigay goos gooska filmka Race 3 oo aad lool dhacay Internet-kana si waali ah looga daawanayo.

Ninka filmkaan Salman Khan la qarash garenaayo ee Ramesh Taurani ayaa xalay gurigiisa xaflada ku dhigtay oo uu ugu dabaal dagaayo howsha culus ee ay ka qabteen filmkaan iyo sida wacan ay kusoo idlaatay.

Waxaa xaflada kasoo qeyb galeen guud ahaan kooxda filmkaan oo ay u horeyaan Salman Khan iyo Jacqueline Fernandez ayadoo sawiro laga soo qabtay labadaan jilaa oo sii galayaan guriga Ramesh.

Jilayaasha kale ma suurto galin in sawiro laga qabto iyo kooxda ka shaqo wadayba, fadlan halkaan hoose ka daawo sawirada Sallu iyo Jacky…

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *