Home » Nolosha Jilaayaasha » SALMAN KHAN: “Katrina Kaif qoobka-ciyaarka waa ay kaga wanaagsan tahay Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra”

SALMAN KHAN: “Katrina Kaif qoobka-ciyaarka waa ay kaga wanaagsan tahay Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra”

Salman Khan iyo Katrina Kaif waa laba shaqsi oo isku soo baxa ha jillaan filim ama howl bannaanka ka ah aflaanta.

Salman ayaana dabeecad ka dhigtay inuu marwalba ammaano Katrina.

Salman ayaa wuxuu haatan gees kale ka ammaanay xirfad jilliinka Katrina, wuxuuna sheegay inay ka mid tahay atariishooyinka ugu wanaagsan Bollywood-ka marka ay timaado qoobka-ciyaarka.

Waxaase xiiso leh inuu Sallu Bhai atariishadaan la meeldhigay Priyanka Chopra iyo Deepika Padukone, xitaa wuxuu sheegay in laga yaabo inay kaga sarreyso dhanka dance-ga.

Salman Khan oo ammaanayey atariishada la hogaamineysa filimka Tiger Zinda Hai, wuxuu yiri: “Waa shaqsi garanaya inta uu xadkeedu ku egyahay waxayna u shaqeysaa si adag si ay u sameyso wax walba oo aysan sameyn karin.

“Waxaan xasuustaa in Kat aysan ku fiicneyn qoobka-ciyaarka markii ay kusoo biireysay Bollywood-ka. Maanta waa ka mid ka mid ah atariishooyinka ugu wanaagsan Bollywood-ka dhanka qoobka-ciyaarka.

“Priyanka Chopra, Deepika Padukone iyo atariishooyinka kale ee qoobka-ciyaarka looga haray ayaan la barbardhigayaa Kat. Xitaa waxaan u maleynayaa inay kaga fiican tahay dhanka qoobka-ciyaarka.”

Filimka Tiger Zinda Hai ee shan sanno ka dib shaashadda ku mideyn doona Salman Khan iy Katrina Kaif waxaa la daawan doonaa December 22, 2017.

One Response to SALMAN KHAN: “Katrina Kaif qoobka-ciyaarka waa ay kaga wanaagsan tahay Deepika Padukone iyo Priyanka Chopra”

  1. Abdulaahi Yusuf Reply

    December 2, 2017 at 8:47 pm

    sxb waaba su,aalee yaa qaab jiliin fiican sedexdooda macnaha katrina ,deepika iyo priyanic chopra idinkoo mhdsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *