Barnaamijka The Kapil Sharma Show xog badan ayee jilayaasha Bollywoodka daaha kaga qaadaan oo nolol maalmeedkooda gaarka ah kusaabsan jilaa walba oo ka qeyb galaana sir culus ayuu meesha ku shaaciya hadaba waxaan soo uruurinay qaar kamid ah xidigaha caanka ah oo hab dhaqankooda meesha kushaaciyeen ama arin layaab leh oo sheegen hada kahor qabsatay.

Dhamaan jilayaashan barnaamijka hak waqti kama aysan wada qeyb galin balse waa xiliyo kala duwan oo anaga ayaa isku soo aruurinay qaar kamid ah arimo xasaasi oo ay ka hadleen. Salman Khan oo ka hadlaayo nadaafada afkiisa sida uu ugu dadaalo,”24-saac walba 3-jeer ayaa nadiifiyaa afkeyga (cadeysiga afka) waana subaxii galabkii iyo habeenkii sikastoo u mashquulsanahay marnaba jadwalkaas igama baaqdo oo dabeecad ayee ii noqotay.”

Kartik Aryan, Bhumi Pednekar iyo Ananya Panday oo isla fadhiyaan ayaa la weydiiyay hadii iyagoo afkooda nadiifinin wax iska cunaan subaxii waxayna dhaheen marar badan ayee sida nagu dhacday waliba Kartik waxuu sheegay ilaa hada mararka qaar inuu iska ilaawo nadiifinta afkiisa balse taas bedelkeed wax saameyn ah kuma lahan ayuu yiri caafimaadka afka oo nadiif ayuu ii yahay marwalba.

Tiger Shroff oo sheegay xiliguu ardayga ahaa iskuulkana dhigan jiray inuu Six Packs lahaa,”markaa iskuulka dhigan jiray jirkeyga wuu dhisnaa 6-murqo ee calooshana waan lahaa waliba gabdhaha ayaa tusi jiray marwalba shaarka inta iska siibo ayaa feeraheyga banaanka keeni jiray sida Salman Khan shaarka usiibti markuu shaashads hor joogo oo kale.”

Sara Ali Khan oo sheegtay in wadada dhinaceeda mac macaan ku gado inee lacag la’aan wixiisa kaga cuntay,”aniga yaraanteyda waan dhib badnaa mararka qaar ninka wadada dhinaceeda wax ku iibiya ayaan iska cuni jiray xoolihiisa anoo lacag siinin qof iibsanaayo inta iska dhigo ayaa marka cuno ka ordi jiray waayo mac-macaanka aad ayaa ujeclaa.”

Lasoco dabeecadaha jilayaasha kuwii hore iyo kuwa dambe dhacdooyin hore iyo dhacdooyin dambeba maalin walba joogto ayaan ka dhigi doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here