Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan miyaa u kala hiiliyay Sooraj Pancholi iyo Sushant Singh Rajput? Sooraj ayaa ka jawaabay

Salman Khan miyaa u kala hiiliyay Sooraj Pancholi iyo Sushant Singh Rajput? Sooraj ayaa ka jawaabay

Saxaafada Hindiya ayaa hadal heesay maal mihii ugu dambeeyay in Sooraj Pancholi ay is maan dhaafeen atooraha ay Bollywood-ka ka wada tirsan yihiin Sushant Singh Rajput.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel xaflad ah oo jilaayaal badan Bollywood-ka ka tirsan ku sugnaayeen waxaana la sheegay in Sushant Singh Rajput si qaldan uu ula dhaqmay Sooraj.

Kadibna uu Salman Khan soo dhex galay una sheegay Sushant Singh Rajput inuu qaldan yahay sidoo kalena ka dalbaday inuu Sooraj raali galiyo meeshana buuq ka dhacay.

Balse Sooraj Pancholi oo la hadlaayay Times Of India ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay sheekadan wuxuuna yiri “Waxba kama jiraan inaan aniga iyo Sushant Singh Rajput is gaarnay”

“Sidoo kalena waa been in Salman arimahan ku lug yeeshay, Sushant Singh Rajput waa sida walaalkeey oo kale marka sideen ula dagaalaa?”

“Waa wax lagu qoslo waxa ay saxaafada qoreyso waxaana ceeb ah arin aan xaqiiqo loo heynin in dadka lagu marin habaabiyo”

One Response to Salman Khan miyaa u kala hiiliyay Sooraj Pancholi iyo Sushant Singh Rajput? Sooraj ayaa ka jawaabay

  1. csc

    December 13, 2017 at 9:21 am

    sxp sakeriye aawaya sheekada qaybtii 19aad