Megastar Salman Khan iyo Superstar Rishi Kapoor wada shaqeyn ayaa soo dhexmaray waxaana lagu xasuusan doonaa Filimkii David Dhawan iskalahaa ee 2002 isla sameyeen misane la magac baxay Yeh Hai Jalwa inkastoi ganacsi ahaan guuldarestay hadana qaabke usameyeen waa la ammaanay.

Mashruucan oo shactiro ahaa wiil iyo aabihiis ayee kujileen waxaa kaloo qeyb ka ahaayen Kader Khan, Ameesha Patel iyo Anupam Kher sido kale labadan halyeey xiriir soo jireen ahaa ayaa ka dhaxeyn jiray in badan balse shaki yar ayaa abuurmay kadib markii la arkay qaabkii Sallu oga tacsiyooday geerida Rishi Kapoor ku timid.

Marka kowaad Salman waxuu kujiray dadkii ugu dambeyeen ee baraha bulshada sigaar ah Twitterka kaga tacsiyoodeen Rishi geeridiisa marka labaadna qoraalkiisa waa mid gaaban wax sawir ahna lajirin waxaana lala bar bardhigay sida Irrfan uu oga tacsiyooday.

Irrfan qoraal dheer oo sawir lajiro ayuu soo dhigay baraha bulshada balse Rishi waxuu yiri sida tan, “RIP mudane Chintu(Rishi Kapoor) Kaha Suna Maaf xasilooni iyo sabir adag ayaan ugu duceyna qoyskiisa iyo asaxaabtiisa.”

Kalimada Kaha Suna Maaf ee hindiga ah waxuu kala jeeda waan ka xumahay i cafi waana oraah caan waxaana macquul ah Filimada Rishi Kapoor inee kujirto oraahdan waayo Rishi ayuu ku xusaayey amaba Film ay labadooda isla sameyeen inee kujirto waa kalimad xusitaan ah micno ahaana sidaas noqoneyso.

Wax xurguf gaar ah labadooda ka dhaxeysay hader lama oga laakiin oraahdaas yar Sallu lagama fileyn hadal badan iyo qiiro ayaa la filaayey sida Irrfan ookale balse shakiga jira ayaa waxuu yahay amuu Salman Ranbir ka dhex arkah Rishi.

Salman iyo Ranbir xurguf ayaa ka dhaxeysay sabab ka xiriirta Katrina Kaif dadka arimaha Bollywoodka kutaxan ayaana sheekadan bilawgeeda fahamsan sidaa aawged amuu Salman qoyskan oodhan u cuqdadeysnaa oo Rishi sidaas kaga gaabsaday oo Rishi ayuu Ranbir kasii dhex arkay sikastee ahaataba wax rasmi ah arinkaan looma hayo kaliya waa wax istusin halmid inaan is xasuusino waa lama huraan Salman qofkuu u caroodo siduu ku cafiyo wey adagtahay dhamaan dadke isku dhaceen qof ay dib u heshiyeen majirto sida Ranbir, Arjun Kapoor, Vivek, Aishwarya iyo kuwa kale.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here