Superstar Salman Khan ayaa maalmod kahor ku dhawaaqay inuu u amba bixi doono Mareykanka si uu ugu qabto bandhig faneed calaami ah oo dunida siweyn looga daawan doono bartiisa Twitter-ka ayuuna arinkaan ku shaaciyay.

Bandhigan ayaa socon doono sida la sheegay 3 April ilaa 12 April waxuuna sido kale Salman booqan doonaa Canada oo uu ku qaban doono bandhigaan dad badan ayaana kasoo qeyb gali doonaan si weyn usugayaan.

Dhanka shaqasa waxuu ku mashquulsan yahay howsha Filimkiisa Radhe-Your Most Wanted Bhai oo ah Filim Action dhameestiran ciidan ayuuna rabaa tiyaatarada India inuu ku gil gilo sido kalena soo celiyo taxanihiisa Blockbuster-ka.

Sallu ayaa Filimkaan kula midoowi doono Director Prabhudheva oo horey ugu sameyeen Wanted iyo Dabangg 3 markalena Radhe ayuu u sameeyn doonaa aan aragno wacdaraha ay dhigaan xidigahaan inkastoo Dabangg 3 ka fashilmah hadana Radhe ayee doonayaan wax walbo inee ku ilaawaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here