Mega Star Salman Khan ayaa booqasho ku tagay goobta uu filimka Laxxmi Bomb ku duubaayay Super Star Akshay Kumar waxayna aheyd booqasho lama filaan ah.

Sallu Bhai ayaa AK gooni ula baxay wuxuuna la hadlaayay in kabadan 15 daqiiqo mana jirto ilaa hada cadeyn rasmi oo muujineysi waxa ay kawada hadleen jilayaashaan balse waxaa loo badinayaa in Sallu uu AK kala hadlay sidii loo kala weecin lahaa filimadooda Laxxmi Bomb iyo Radhe kuwaasoo 22da bisha May kuna beegan ciidul fidriga isku dhici doonaan.

Askhay iyo Sallu waa saaxiibo waxayna noqon kartaa booqasho saaxiibtinimo balse saxaafada waxay qoreysaa in Sallu uu Akshay ka codsaday inuu ciidul fidriga u baneeyo misna filimka Laxxmi Bomb dib u dhigo.

Lama oga hadii Akshay uu dalabka saaxiibkiis aqbalay waxaana xusid mudan in Akshay horay uu saaxiibkiis Aamir Khan uga baryay in Christmaska u baneeyo si aysan filimadooda isugu dhicin dalabkaasoo uu Akshay Kumar aqbalay dibna u dhigay filimkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here