Aflaanta uu Sallu Bhai la keenay xiddigaha waa weyn ee Bollywood ayaana dhammaantood daawasho u qalma sida Darr, Karan Arjun, Jeet, Ishq, Chal Mere Bhai iyo aflaan kale, sidoo kalena Box Office-ka ayey wacdaro ka dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lasoo gaaray saman ay xiddigaha dhallintayar ee Bollywood ka cagojiidayaan inay sameeyaan aflaan ay ku jiraan xiddigo kale oo dhiggooda ah (Multi-starrer projects).

Isagoo arrintaan sharraxayey Salman Khan waxaa laga soo xigtay: “Qarashka ay atooreyaashu doonayaan ayaa sarre u kacay, waxaana filayaa in aanan heysan mashruucyo lagu bixin karo qarashka intaas la eg. Sidoo kale waqtiga loo baahan yahay si loo duubo filim ay laba atoore oo waa weyn ama wax ka badan isla hogaaminayaan ayaa aad u dheer.

“Filim kasta oo weyn wuxuu u baahan doonaa 150 cisho. Laakiin haddii uu yahay sidii Karan Arjun oo kale waqti intaas ka badan ayuu u baahan doonaa, waana tallaabo marwalba ku xiran sheekada filimka.

“Tusaale ahaan hadda waan sameyn karnaa Andaz Apna Apna. Laakiin macquul ma ahan inay sameeyaan Amir, Shah Rukh ama aniga (Salman Khan). Laakiin xiddigaheena dhallinyarada ah waa ay sameyn karaan”.

Sallu Bhai oo ka hadlay sababta aysan xiddigaha dhallinyarada ah aflaan wadajir ah u sameyn, ayaa dhaliil soo jeediyey: “Waxaan dareemayaa in mid walba cabsi iskiis ah ay ku jirto. Laakiin haddii aad kalsooni ku qabto nafsaddaada iyo booska aad filimka ku leedahay, sidaas ma dareemeysid.

“Waxaan aheyd xiddigo dhallinyaro ah, aflaantana si wadajir ah ayaan u sameyn jirnay. Waxaan aheyn saaxiibo, marnaba ma jirin wax ka weyn saaxiibnimadeenna. Xiddigaheenna dhallinyarada ah waxay baahan yihiin inay middaas yaqiinsadaan”.

Salman Khan oo tusaale oo qaatay wuxuu yiri: “Waxaa jirtay mar aan u baqay xirfaddeyda Bollywood. Waxaan dareemayey inay igu soo socoto duufaan weyn, maadaama aflaanta aan hogaamiyaha ka ahay aysan si wanaagsan u gadmeyn.

“Sidaas darteed taageero ayaan ka dalbaday Sunny Deol iyo Sanju (Sanjay Dutt). Xitaa waxaan filim la sameeyey Rahul Roy (Atooraha shabeelka) iyo dad kale oo badan”.

Markii wax laga weydiiyey inuu la shaqeyn doono xiddigaha waa weyn ee Bollywood waqtigaan, 51 sanno jirkaan ayaa ku jawaabay: “Waan jeclaan lahaa inaan la shaqeeyo shaqsi kasta, xitaa inaan la shaqeeyo shaqsiyaad aan hore usoo wadashaqeynay.

“Haddii ay ahaan laheyd Sunny, Sanju, Ajay, Akki, Shah Rukh ama Aamir, sida iska cad dhammaantood aflaan waan la sameyn lahaa haddii la iisoo bandhigo mashruuc nuucaas ah.

“Laakiin doorkeyga aan ku jillayo filimka iyo doorkooda ay filimka ku jillayaan waa inay noqdaan kuwo heer sarre ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here