Warar xiiso badan ayaa kasoo baxaayo xafiiska shirkada weyn Nadiadwala Grandson kuna saabsan in Akshay Kumar laga dul qaaday dib u sameynta sheekada filimka Tamil-ka ah Veeram ee horey Ajith Kumar u sameeyay.

Waxaa horey shaaca looga qaaday in Akshay Kumar filimkiisa Bachchan Pandey sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Veeraam sidoo kalena Bachchan Pandey la daawan doono 22 Jan 2020 sidoo kalena dhawaan Akshay ka hawl gali doono filimkan balse wax walbo haatan dib u dhac ayaa ku imaaday.

Sababta waxay tahay in la ogaaday in dib u sameynta filimka Veeram lagu wareejiyay Salman Khan oo sameenayo mashruucan asigoo Hindi ah loogana bixiyay magaca Kabhi Eid Kabhi Diwali lana daawan doono Eid 2021 waxaana Director ka noqonaayo Farhad Samaji balse arinkaan Akshay Kumar ma uusan ka helin madaama isaga markii hore loo sheegay inuu Veeram dib u sameenayo.

Akshay Kumar filimkiisa Bachchan Pandey meel la iskama dhigi doono waxaana loo helay sheeko kale oo ku saleesan filimka Jigarthanda waa mashruuc Tamil ah waxaana hogaamiye ka ahaa Sidharth halka Bobby Simha door xumaan ku jilay balse Akshay kuma qanacsano midaas waayo marwalbo wuxuu ku taamayay inuu Veeraam oo Ajith Kumar ku xarakeeyay dib u sameeyo.

Waxaa la sheegay in dhawaan Akshay Kumar iyo Sajid Nadiadwala kulan wada qaadan doonaan si arintan loo xaliyo waayo Director Farda Samji dhanka Salman ayuu xigsaday marba haddii sheekada filimka Veeram Akshay laga weeciyay ayadoo Director Farhad Samji u xil saaray Sajid Nadiadwala inuu Akshay iyo Salman filimada ay sameenayaan agaasimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here