Salman Khan Oo Dibada U Safraayo Isagoo Maxkamada Jodhpur Fasax Ka Dalbaday Balse Ma Loo Ogolan Doona!

Mega Star Salman khan ayaa la sheegay in uu u amba bixi doono dibada safarna ku hayay si uu shaqadiisa film duubista u wato balse waxuu codsi iyo fasax ka dalbaday maxkamada Jodhpur isagoo ogeysiinayo arinkaan.

Sidii markii hore la isku ogaa Salman waxaa lagu amray in uusan India ka bixin ilaa kiiska doodisa ka bilawaaneyso 6 bisha May sido kalena hadii ay lagama maarman noqot inuu dibada aado uu u soo sheego maxkamad hadii ay u ogolatana markas uu baxo hadii ay udiidana uu joogo.

Hadaba Salman oo shaqo deg deg ah laga rabo inuu dibada kusoo qabto sida duubitano Race 3 ka dhiman iyo Bharat oo uu ka howl galayba waxaa uu fasax ka dalbaday maxkamada.

Maxkamada Jodhpur ayaa la sheegay fasaxii uu Salman ka dalbaday jawaabtisa oo ah in ay u ogolaan doonto iyo in ay udiidi doonta waxay kala cadeyn doonta maanta galinka dambe gaar ahaaan saacada marke ku beegantahay 4:30 pm waxaana la wada sugayaa goaanka maxkamada.