Megastar Salman Khan iyo qoyskiisa waxay u wareegen aqalkooda ku yaalo beer ay leeyihiin waana guri weyn inta xaalada karantiilka socdana isaga iyo qoyskiisa halkaas ayee kusugnaan doonaan.

Coronavirus ayaa si weyn dunida ugusii faafayo dalka India kiisaska laga helay waa 6761 kiis ilaa iyo imika halka dadka kasoo caafimaaden caabuqan halista ah ay gaarayaan 516 qof ugu dambeyna waxaa u geeriyoodeen 206 qof sidaa aawged cabsi weyn ayaa jirto gudaha India wax dhaqaaq ah majiro qof walba gurigiisa ayuu kujiraa.

Muuqaal laga soo duubay Salman oo faraskiisa waqti la qaadanaayo ayaa shalay Internet-ka lagu faafiyay xili uu cows siinaayo faraska ama dhir cagaaran isagana wuu la cunayaa dadka ayaana ku tilmaameen in Salman naxariis badan yahay maadama faraska uu dareensiiyay in isagoo bini’dam ah xitaa uu la cunaayo cowska.

Dhanka shaqada xidigaan waxuu duubis kuwaday Filimka Radhe-Your Most Wanted Bhai balse markii Raiisul Wasaaraha India ku dhawaaway bandow dalka oodhan ah ayuu joojiyay howsha mashruucan qorshihii ahaa in ciidul fitriga la daawanaayona meesha wey ka bixi doontaa maadama howshiisa qabyo tahay dib udhac ayuu la kulmi doonaa caabuqa dilaaga ah aawgii..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here