Megastar Salman Khan asigoo beertiisa Panve joogo ayuu kaalintiisa qaadanayaa sidoo kalena ka warqabaa dadka Hindiga ah ee tabaaleesan sidoo kalena xamili weesan bandowga lagu jiro oo haatan ilaa 31-da bishan May la gaarsiiyay.

Haatan Salman Khan wuxuu qaaday talaabo kale oo naxariis ku dheehan kadib markii gaari nooca xamuulka ah raashiin kasoo buuxiyay kadibna guryaha loogu geenayo dadka dan yarta ah ee guryaha ku jiraan oo shaqo la’aanta ku dhacday xili hore Sallu maalin walbo mushaar joogto ah u siinayay shaqaalaha Bollywood-ka ee shaqo la’aanta ku dhacday kuwa howlo maalmeedka ay fanka ka qabtaan mushaar ku heli jireen.

Salman Khan baabuurta uu xishnada raashiinka kasoo buuxiyay ee masaakiinta loogu qeybinaayay wuxuu u bixiyay Being Haangryy sidoo kalena qof walbo oo baahan oo biilka weesan ayay gurigiisa raashiin ku filan ugu geenayaan qofka wuxuu rabo ha ahaado Muslim ama Hindi kaliya isaga dadkiisa Hindiga ah inuu caawiyo ayaa ka go’aan ah.

Rahul Kanal oo ah hogaamiyaha xisbiga awooda badan Shiv Sena ayaa Salman Khan ugu mahad celiyay kaalinta uu qaadanayo xiligan ee Hindiya ku jirto wuxuuna sheegay in Sallu taariikhda dalka Hindiya bal dahab ah inuu ka galay abaalka uu shacabkiisa u galayna aan marnaba la hilmaami doonin.

Inkastoo Salman Khan uusan ka hadlin hal abuurka ku aadan baaburta Being Hangryy ku xardhan yihiin ee Mumbai wax ka qeebinayaan haddana dadka oo dhan ayaa ku amaaneyn midaas iyo naxariista uu la yimid si qof walbo oo baahan oo gurigiisa ku jiro raashiin loogu geyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here