Megastar Salman Khan marnaba kama xishoodo aflaanta Koonfur Hindiya kuwooda Classic ah inuu dib u sameeyo markaana wuxuu jeclaan lahaa inuu dib u sameeyo labo filim oo Superstar Vijay ku caan baxay oo Tamil ah kuwaas oo siweyn loo jecel yahay daawashadooda inuu sameeyo ayagoo Hindi ama Bollywood ah.

Salman Khan dhawaan wuxuu tagay magaalada Chennai ee xarun u ah Tamil Nadu wuxuuna halkaas kuso bandhigaayay goos gooska filimkiisa Dabang 3 oo Af Tamil lagu daawan doono marka tiyaatarada la saaro 20-ka December 2020 wuxuuna si wacan ula fal galay saxaafada asigoo u sheegay in filimkiisa Dabangg 3 qaybta Af Tamil-ka lagu daawanayo inuu isaga codeeyay waxaana garab siiyay Director Prabhudeva oo Tamil-ka si wanaagsan u yaqaan.

Salman Khan wuxuu soo hadal qaaday inuu aad u jeclaan lahaa filimka Thirupachi sanadii 2005 Superstar Vijay sameeyay inuu dib u sameeyo asigoo Hindi ah iyo sidoo kale filimka kale Vijay sameeyay Theri ee la daawaday 2016 wuxuuna sheegay labadaas filim daawashadooda inuusan ka xiiso dhigin sidoo kalena ka heli lahaa ayagoo Hindi ah ama Bollywood ah dib u sameeyo.

Salman Khan ayaa sheegay in labadaad filim Thirupachi iyo Theri yihiin kuwo mada daalo dhameestiran sidoo kalena qiiro badan haddii uu dib u sameeyana Hindiya oo idil min tuulo ilaa magaalo laga daawan karo balse wuxuu sheegay inuusan ogeyn kooxaha xuquuqda filimadaas iska leh inay ka iibin doonaan ama u ogolaan doonaan inuu dib u sameeyo labadan filim ee Superstar Vijay ku caan baxay maqaam sarena ku gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here