Megastar Salman Khan ayaa la sheegay inuu fanka Koonfur Hindiya ku biiri doono gaar ahaan Telugu wuxuuna door muhiim ah ku yeelan doonaa dib u sameynta filimka Malayalamka ah Lucifer ee sanadkii hore Superstar Mohanlal hogaamiye ka ahaa.
Dib u sameynta Lucifer waxaa soo iibsaday Ram Charan waxaana hogaamiye ka ah Megastar Chiranjeevi.

Salman Khan xushmad balaaran ayuu u ahaa Chiranjeevi wuxuuna ka codsaday Sallu in filimkiisa Lucifer door muhiim ah ku yeesho waxaana mashruucan duubis lagu bilaabi doonaa markii xaalada caadi kusoo laabato.

Director Sujeeth ayaa laga soo xigtay in Salman matali doono doorkii Prithviraj Sukumar askariga ahaa ku matalay qaybta asalka ahayd filimkan. Sidoo kalena waxaa la isla dhex maraa in Ram Charan isagana muuqaal muhiim ah oo kooban filimkan ku yeelan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here