Mega Star Salman Khan maalin walba nolosha dad ayaa baaraan oo maalin walba Google-ka ayaa xogtiisa laga baadi goobaa suaalo kala nooc ah ayaana ku arkeysaa halkaas misane xidigaan la rabo noloshiisa gaarka ah in wax laga ogaado.

Mid kamid ah suaalaha ugu badan ee Google-ka la weydiiyay waa xiriirka ka dhaxeeyo Salman Khan iyo Shah Rukh Khan oo dad ayaa jecel inee ogaadaan labadan jilaa hadee wali isdagaalsan yihiin iyo inee saaxiib yihiin hadaba saxaafada qaar kamid ah oo xidigaan suaalo dhowr ah ine weydiyaan fursad u heleen ayaa suaashan soo noq noqatay weydiyeen.

Khan oo ka hadlaayo arinkaa waxuu yiri,”xiriirka inaga dhaxeyo aniga iyo Shah Rukh waa jaceyl….markaan jaceyl leeyahay waxaan ula jeedaa waa walaalkey oo kale waana saaxiibkey aadbaana u jeclahay isagana mid lamid ah waana wada xiriirna marwalba.”

Taageerayaal fara badan ayaa jeclaayen suaashan in looga jawaabo balse hader wey heleen dabcan jawaabtooda xidigahana waa kuwa saaxiibo hadana walaalo iska dhigteen cadow waxaa ka dhigeen waa saxaafada iyo taageerayaashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here