Megastar Salman Khan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu waligiis dambe guursan doonin oo cimrigiis doobnimo ku dhameysan doono arinkaan layaab maleh waayo qof walba waa iska ogaa In Sallu wax guur ah rajo ka laheyn balse sababta uusan u guursan doonin unbaa lala yaabanaa isagase hal sabab ayuu ku sheegay.

Sallu waxuu yiri,”guurka waan ka daahay waxaa loo baahnaa inaan xili hore guursado maadama aan ka raagay arooskii waxaan go’aansaday inaan waligey dambe guursan oo sidaas cimrigeyga ku dhameysto” warkaan oo ay qoren Muvyaz ayaa la sheegay in arinkaan taageerayaasha qaar ka niyad jabeen.

Salman Khan waxaa jirtay mar laga shakiyay oo looga shakiyay in raganimadiisa dhameestirneen taasina sabab u tahay arooska uu ka raagay sikastee ahaataba waa xan waligeed laga qori jiray jilaagan arinkaasna waxaaba lagu beenin karaa gabdhihii badnaa ee uu xiriirka la sameeyay oo atiriishooyin caan ah ay kamid yihiin.

Salman Khan wax badan ayaa lagula taliyay inuu guursado haderna waa 55 jir ku dhawaaqay inuusan guursan doonin balse ma oga in gabdho badan aduunka ku nool waqtigaan ay jecel yihiin xitaa isagoo 55-jir ah dhanka shaqada waxuu ku guda jiraa duubista filimkiisa RADHE ee la daawan doono sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here