Salman Khan Oo Ku Dhawaaqay Magaca SRK Loogu Yeerayo Filmka Zero (+Video)

Waxaa maanta lasoo bandhigay goos goos kooban ee filmka Zero kaaso uu SRK aragti kale oo cusub kusoo bandhigay waxaana goos gooskan kooban loogu magac daray “Hadiyada ciida ama ciid mubarak”ayado uu SRK ugu talo galay in daawadyaasha farxada ciida kula damaashadan goos gooskan kooban.

Inaba caadi ma ahan muuqaalkan ay shaashada ku wadaagayaan SRK iyo Salman Khan waliba Sallu filmkaan xiiso ayuu u yeelay maadama uu kasoo muuqday goos gooskan kooban.

Balse filmka muuqaal marti oo muhiim ah ayuu ku leeyahay marka laga soo tago goos gooskan kooban isagoo doorkisa noloshada caadiga ah ku jilaayo ama magaciisa Salman Khan ahaan, hadaba horey uma aynan ogeen Shah Rukh Khan magaca filmkaan loogu yeerayo.

Salman ayaa shaaca ka qaadayo marka ugu horeysa ee muuqaalka soo baxaayo waxuna SRK ugu yeera magaca “Bauua¬†Singh” kaaso ah SRK doorkiisa uu ciliinka ku jilaayo in magacaas loogu yeerayo.

Halkaan hoose ka daawo markale goos gooska kooban ee filmkaan si aad u aragto Sallu oo SRK “Bauua¬†Singh” ugu yeerayo….