Salman Khan oo la imaan doono Biggest Action Drama iyo xog ku saabsan filimkaan.

0
1154

Mega Star Salman Khan ayaa dhawaan saxiixay filim Remake ah kaasoo horay u sameeyeen reer Marathi waana filimka lagu magacaabo Mulshi Patternil.

Filimkaan oo ah Drama Action ayaana Sallu wuxuu ku matali doonaa askari Sikh ah kaasoo dagaal culus la gali doono maafiyo uu hogaamiye u yahay Aayush Sharma oo filimkaan doorka xumaanta ee laadarnimada ku matali doono.

Filimkaan ayaana lagu wadaa in duubis lagu bilaabo 15ka bishaan November, howsha duubistiisana waxay dhamaan doontaa bisha Janaayo ee sanadka cusub balse wali laguma dhawaaqin xiliga tiyaatarka la saari doono.

Filimkaan oo miisaaniyad weyn xambaarsan ayaana waxaa lagu wadaa in lagu daawado luuqado badan oo ay kamid yihiin Hindi, Telugu, Tamil, Kannada iyo Oriya waxaana Directed ka ah Mahesh Manjrekar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here