Megastar Salman Khan haatan waa guri joog madaama Hindiya xaalad deg deg ah ku jirto si loola tacaalo caabuqa halista badan Coronavirus waxaana la sheegay in Salman faaf reebayo filimkiisa weyn Radhe oo qorshaha yahay ciidul fitirgan 22 May 2020 in tiyaatarada la daawado waa haddii xaalada caalamka iyo tan Hindiya caadi kusoo laabato waqtigaas ka hor.

Kadib Salman Khan wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali ee Sajiad Nadiadwala u maal galinaayo bisha June ee sanadkan qorshahana wuxuu yahay in la daawado Eid 2021 sidoo kalena filimka seedigiis Ayush Sharma hogaamiye ka yahay isagana isla sanadkan ayuu duubi doonaa madaama Sallu ku jilaayo door askari Punjabi ah.

Balse aqbaarta ugu weyn dhanka Bhaijaan waxay tahay in filimkiisa taxanaha caanka ah Tiger 3 duubis ku bilaabi doono Janaayo 2021 waxaana atirisho kowaad ka ah Katrina Kaif halka Aditya Chopra oo madax u ah shirkada Yash Raj Films soo saare ka yahay waxaana lagu duubi doonaa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Balse dooda taagan waxay tahay Tiger 3 Ali Abbas Zafar oo Tiger Zinda Hai sameeyay miyaa agaasime doono mise Kabir Khan oo Ek Tha Tiger ama qaybtii kowaad sameeyay waxaana la sheegay in labadan filim sameeye Salman isku dhaceen ama xirirr wanaagsan haatan kala dhaxeenin.

Soo saare Adita Chopra ayaa diyaariyay sheekada Tiger 3 waxaana lagu kalsoon yahay in Ali Abbas Zafar qaybta sedexaad agaasime doono sida laga soo xigtay xafiiska shirkada YRF waxaana lagu waaa bartamaha sanadkan inay kulan wada qaadan doonaan Salman, Ali Abbas Zafar iyo Aditya Chopra si loo dhameeyo is fahan waaga soo kala dhex galay Salman iyo Director Ali tan iyo markii sanadkii hore filimkii Bharat heerkii laga filaayay gaari waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here