Mega Star Salman Khan waa atoore daqli dhinacyo badan ay kasoo galaan haderna waxuu kamid yahay atoorayaasha lacagaha ugu badan ku qaataan xayeysiimaha ay sameyaan.

Salman Khan ayaa maalin walba la siin doonaa 7 Crore ($985,000) lacago gaarayaan waana lacag kudhow $1 Million inaba caadi ma ahan sababta loo siinaayo ayaa lagu sheegay inuu xayeysiin doono taleefanada Smartphones-ka loo yaqaan.

Shirkada China laga leeyahay ayaa gudaha India ku xayeysiineyso taleefanadan sidsa aawged muuqaal ayaa laga duubayaa Sallu maalin walba ilaa mudo 5-maalmood ah magaalada Mumbai ayuuna ku xayeysiinaa taleefanadan waxaana xusid mudan halkii maalin uu muuqaal duubo inuj qaadan doono 7 Crore.

Salman waa atooraha ugu shacbiyada balaaran gudaha India marka qarashkaas in la siiyo waxba looma arko marka loo fiiriyo faaidada iyaga kasoi galeyso ileen taageerayaashiisa indho la’aan ayee hadhow ku yaaci doonaan iibsashada taleefanadaas.

Tani waxay ka dhigantahay inuu 35 Crore ku qaadan doono mudo 5-maalmood ah oo u dhiganta $4.9 Million waana lacag aad u badan dhanka shaqada waxuu ka howl wadaa Filimkiisa Radhe ee la daawan doono ciidul fitriga sida qorshaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here