Megastar Salman Khan isaga ayaa soo caan bixiyay seedigiis Aayush Sharma oo ay u dhaxdo walaashiis yaraanka ah Arpita Khan sidoo kalena wuxuu kusoo caan bixiyay filimkii Loveyatri ee sanadii 2018 la daawaday inkastoo uu Flop noqday ama guul dareestay haddane Aayush bandhigiisa filimkan siweyn ayaa loo amaanay.

Haatan Salman Khan waxaa loo bandhigay inuu hogaamiye ka noqdo filimka Saare Jahaan Se Achcha ee fariinta cirbixiyeenka xambaarsan horeyna mashruucan waxaa u diideen inay sameeyaan Aamir Khan, Shah Rukh Khan iyo Ranbir Kapoor sidaa darteed Salman isagana filimkan wuu iska diiday.

Salman Khan filimkiisa Radhe duubis ahaan hal ama labo hees ayaa ka harsan dhawaan ayuu duubi doonaa kadib ilaa laga gaarayo November wuxuu heestaa firaaqo ku filan sidaa darteed filimka Saare Jahaan Se Achcha wuu iska diiday wuxuuna ka door biday filimka Guns Of North inuu door askari Punjabi caawiye ah ku matalo wuxuuna garab siin doonaa seedigiis Aayush Sharma oo filimkan hogaamiye ka ah. Sidaa darteed Sallu filim uu hogaamiye ka noqon karay ayuu iska diiday si uu seedigiis u garab istaago.

Filimka Guns Of North waxaa sheeko ahaan laga soo min guuriyay mashruuca reer Marathi sameeyeen Mulshi Pattern wuxuuna ka hadlaayay dad beeraleey ah oo markii beertooda laga gubo burcad noqonayaan waxaana Director ka ahaa Pravin Tarde. Balse haatan sheekada filimkan waxbaa laga badalay waxaana lagu duubaa Waqooyiga Hindiya gaar ahaan gobolka Punjab waxaana Director looga dhigay Abhiraj Minawala halka Salman Khan soo saare iyo caawiye ka yahay sidoo kalena seedigiis Aayush Sharma hogaamiye kowaad looga dhigay filimkan xiisaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here