Salman Khan waa aktar ugu awoodda badan xiligan maadaam uu joogteeyo guusha aflaamtiisa isagoona sameeya aflaamta ugu waa weyn sanadka

haddaba aktarkan ayaa dhawaan waxa uu mar kale muujiyay sida uu u yahay mid aan loo dhawaan karin bilooyin yar ka dib waxaa Televison laga daawan doona showga caanka ee Bigg Boss qaybtiisa 13aad kaaso uu ku caan baxday aktarka Salman Khan waana show ka mid kuwa loogu jecel yahay dhanka iyo Tv-Yada

laakiin Salman Khan oo hore showgan ku qaadan jiray lacag badan kuwaaso ay ugu badnaayeen 13 crore ilaa iyo 14 crore ayaa hadda waxa la xaqiijiyay inuu showga bigg boss 13 uu ku qaadan doono lacago waali ah kaaso xitaa aan lagu samaynin aflaamra Bollywoodka waxaana u gaaraya 400 crore

waxaana dadka kasii yaabisay markii maalintii shalay xilli Salman Khan uu soo bandhigaayay tartamayaasha showgiisa ay kasoo muuqday jilaayaal ay ka mid yihiin Arjun Bijlani, Sana Khan, and Puja Banerjee.

laakiin Salman waxa uu dadka ugu yaabsaday markii uu ku dhawaaqay in atariishada Ameesha Patel ay qayb ka tahay showgiisa sidoo kale lagu soo daray tartamayaasha showgan waana arrin dadka si weyn ugu yaabisay

Salman waa aktar lagu bartay inuu gacab qabto aktarada fanka ka haray sida atariishadan Ameesha taaso xitaa weysay samaynta aflaaamaha laakiin ogow Salman khan iyo Ameesha Patel waxa ay hore si wadajir ah iskala soo muuqdayn filimka Yeh Jalwa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here