Megastar Salman Khan ayaa toos ula xariiray wakaalada filimada Hindiya iyo ururka ay ku mideesan yihiin shirkada Hindiya ugu awooda badan ee loo yaqaan Bollywood xarunteedana ay tahay magaalada Mumbai wuxuuna u sheegay inuu bixinaayo lacagaha mushaarka maalinlaha la siin jiray shaqaalaha howlaha kala duwan Bollywood-ka ka qabtaan.

Inta badan waxaan aragna jilaayaasha caanka ah aflaanta ay sameeyaan balse dad badan ayaa filimada ka shaqeeyaan oo howlo kala duwan ka qabtaan dhanka agab keenista, diyaarinta goobaha filimada lagu duubo, ilaalinta goobaha filimada lagu duubo, sameynta ficilada halista ah, bandhig cayaareedka kala duwan iyo arimo kale qabtaan waxayna dadkaas ku shaqeeyaan mushaar maalinle ah oo maalin walbo lacagtooda ayaa la siin jiray.

Madaama haatan qof walbo gurigiisa joogo xaalad adagna lagu jiro Salman Khan oo adeegsanayo hay’adiisa Being Human wuxuu bilaabay inuu lacago joogto ah siiyo dadka howlaha kala duwan ka qaban jireen Bollywood-ka ee nolol maal meedkooda ka dhacsan jireen shaqooyinka film jilista waxaana midaas kaga mahad celiyeen gudiga Bollywood-ka ku mideesan yihiin iyo wakaalada filimada Hindiya.

Salman Khan wuxuu diiday inuu baraha bulshada ku faafiyo lacagaha uu baxsanaayo mana rabo cadad gaar ah la cayimay in magaciisa lagu qoro sidaa darteed dhamaan shaqaalaha Bollywood-ka ee mushaarka maalin laha filim jilista ka heli jireen noloshooda ayuu ka faala qaaday inuu mushaar joogto ah siiyo ilaa xaalada caadi kusoo laabaneyso oo shaqooyinka Bollywood-ka dib u bilaabanayaan.

Sidoo kale Salman Khan beertiisa weyn ee lagu magacaabo Panvel waxaa la sheegay in lagu diyaaro raashiin bisleesan oo la diyaariyay kadibna lagu wareejiyo maalin walbo gudiga gurmadka deg deg ah ee Ra’iisul Wasaare Modi sameeyay waxayna u qeybiyaan dadka aan guryaha laheyn ee wadooyinka Mumbai seexdaan kuwaas oo aan heesanin guri ama meel ay wax ka cunaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here