Megastar Salman Khan haatan waa kan Bollywood-ka ugu awooda badan sidoo kalena maqaam sare fanka ka gaaray caanna ku ah inuu jilaayaal iyo shaqsiyaad badan Bollywood-ka ka tirsan garab siiyay balse Sallu dabci ahaan noloshiisa waxyaabo badan ayuu ku liitaa marar badana murano aan loo baahneyn ayuu dhexda ka galay.

Waxaa dhacday sanadii 2014 mar Salman Khan iyo muusigeestaha caanka ah A.R. Rahman bandhig faneed ka wada qayb qaateen in Sallu goobta ugu gafay Rahman kuna tilmaamay muusigeeste iska dhex dhexaad ah waxayna sheekada ku timid markii Salman la weydiiyay xiliga Rahman dib u wada shaqeyn doonaan wuxuuna yiri si kaftan ku dheehan “Rahman waa muusigiste iska dhex dhexaad ah marka kama baxsan karo diyaarinta muusiga aflaanteyda mada daalada ku dheehan fariin ahaan.”

A.R. Rahman hadalka Salman ma uusan ka helin sidoo kalena goobta waxaa ku sugnaayeen filim sameeye Kabir Khan iyo siyaasiga iyo qareenka caanka ah Kapil Sibal sheekadana labadan masuul dhinac kale ayay u weeciyeen markii ay arkeen Salman kaftan aan loo baahneyn inuu afkiisa kasoo yeeray, sidoo kalena muusigiste Rahman wuu is celiyay mana uusan u jawaab celin Sallu.

Balse sheekada halkaas kuma dhamaanin saxaafada ayaa Rahman daba dhigatay oo su’aalaha ka dhaafi weeyeen markii dambe ayuuna Salman u jawaab celiyay wuxuuna dhahay “Salman muusig waa u diyaarinaa balse shuruuda waxay tahay filimada aan aniga jeclahay fariin ahaan inuu sameyn karo, mana awoodo midaas ileen hal qaab kaliya ayuu filimada u jilaa!”

Salman Khan iyo A.R Rahman hadda ka hor waxay ka wada shaqeeyeen filimkii Yuvraaj ee Subash Ghai iska lahaa kadib Sallu wuxuu rabay in Rahman filimkiisii Ek Tha Tiger muusigada u diyaariyo balse codsigaas Rahman wuu diiday waana meesha kuu Salman kala dagaashan yahay Rahman oo keentay inuu meel fagaaro ah ugu gafo waxayna midaas sababtay in Rahman isagana jawaab celiyo oo kadibna la kala aamuso dhanka shaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here