labo sane ee lasoo gudbay marna ma ahayn mid ay sadexda khans ay doonayaan in dib dambe loosoo xasuusiyo maadamaa uu ku dhacay jabkii ugu weynaa inta ay ku guda jirayn fanka bollywoodka waxaana markii ugu horeesay la arkay sadexda khans oo awoodi waayeen inay sameeyaan filim hit dhamaystiran noqday

Salman Khan , Shah Rukh Khan Iyo Amir Khan waxaa ku dhacay fashil xoogan maadama aflaamtooda kala ah Zero , Race 3, Dabbang 3 , Bharat iyo Thug Of Hindustan ay si weyn ugu fashilmayn Boxx Office ka waxaana markan laga doonaya inay sameeyaan soo laabasho cajiib ah maadama ay fanka india hormuud u yihiin  25 sano ee lasoo gudbay

laakiin Salman Khan kaaso ah aktarka jabka ugu weyn ku dhacay labo sano ee lasoo gudbay maadaama ay ka fashilmayn   Race 3 , Bharat iyo Dabbang 3 ayaa durba bilaabay inuu qiil u yeelo guul-darada isaga iyo Shah Rukh Khan iyo Amir Khan

Salman ayaa ku andacooday in la doonayo sidii lagu dhumin lahaa ama lagu wiiqi lahaa awoodda sadexda khans maadaama markasta aflaamtooda  lala meel dhigo aflaamta kale kaaso sababta in lala qaybsado tiyaatarada taaso ugu dambayn sababta inaysan aflaamtooda helin tiyaataro ku filan kuwaaso ay ku sameeyaan ganacsi weyn

Salman Khan oo arrintas ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” waxaan aflaamta sadexdeena la geliyaa qarash weyn maadaama aan nahay aktaro awood badan laakiin waxaan u baahanahay ugu yaraan 20000 tiyaatar si aan usoo celino ama aan u keeno faa’ido laakiin midaas way adag tahay maadaama aan haysano 5000-6000 tiyaatar mana ahan mid anaga nagu haboon waxaan u baahanahay tiyaatari badan kuwaaso qaada taageeraayaasheena si aan u samayno ama ana usoo bandhigno awoodeena”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here