Salman Khan oo seegay darajo weyn oo u gaar ahaan laheyd uguna faani lahaa jilayaasha kale iyo xidigaan hamigii Dabangg 3 oo hoos u dhacay.

0
992

Kadib markii la xaqiijiya in Dabangg 3 uusan Blockbuster noqon doonin sabab la xiriirta caqabada soo wajahay filimkaan waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixin ku saabsan Sallu iyo rikoor asiga u gaar noqon lahaa oo jilaagaan dhaafay.

Salluu ayaa waxaa dhaafay rikoor 10 sano iyo 10 Blockbuster maadaama uu jilaagaan tan iyo 2010kii uu keenay 9 Blockbuster haatan waxaa la xaqiijiyay in mudo 10 sano uusan 10 Blockbuster keeni doonin.

Laga soo bilaabo 2010kii ilaa 2019kii Sallu ayaa sameeyay 9 Blockbuster waliba sadaxdiisii sano ee ugu horeeyay wuxuu ku sameeyay 5 Blockbuter halka 7da sano ee dambana uu ku sameeyay 4 Blockbuster.

Waa arin layaab leh balse sidoo kale waxaa muuqato hoos u dhaca Sallu maadaama 7dii sano ee ugu dambeysay uu sameeyay kaliya 4 BB asigoona keenay 10 filim halkia 2010kii ilaa 2012dii uu sameeyay 5 BB asigoona keenay kaliya 6 filim.

2010kii ilaa 2012dii wuxuu keenay filimadaan kala ah; Veer, Dabangg, Ready, Bodyguard, Ek The Tiger iyo Dabangg 3 dhamaantoodna Blockbusters ayay noqdeen markii laga reebo filimka Veer oo Below Average noqday.

Laga soo bilaabo 2013dii ilaa haatan wuxuu sallu keenay filimadaan; Jai Ho, Kick, Bajrangi Bhaijaan, Prem Ratan Dhan Payo, Sultan, Tubelight, Tiger Zinda Hai, Race 3, Bharat iyo Dabangg 3 waxaana darajada BB gaaray kaliya 4 filim oo kala ah Bajrangi Bhaijaan oo All Time Blocbuster noqday, Tiger Zinda Hai, Sultan iyo Kick halka filimada kale ay u dhaxeeyaan Below Average ilaa Hit.

Inkastoo Sallu uusan rikoorka 10 sano 10 Blockbuster gaarin hadana lama xaqiri karo maadaama uu 9 sano uu 9 BB ku keenay waana arin ay atoorayaasha kale kaliya ku riyoodaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here