Mega Superstar Star Salman Khan ayaa xayeysiin u sameynaya filimkiisa 20 bishaan December la daawan doono ee Dabangg 3 inaba caadi ma ahan sida xayeysiiska howshiisa u socoto iyo sida daawadayaasha u sugi’ la yihiin inta tiyaatarada laga saarayo.

Salman ayaa wareysiyo kala duwan bixinaayo maalmahan waxuuna shalay shaaca ka qaaday xidigaan in Dabangg 4 xili hore sheekadiisa la qoray oo ay diyaarsantahay  waana arin xiiso leh sido kale sharaxaad ayuu ka bixiyay doorkiisa taxanahan.

Waxuu yiri isagoo ka hadlaayo doorkiisa,”Markii ugu horeysay ee la iisharaxay sheekada Dabangg waan ka helay balse doorkeyga Chulbul Panday ayaa xoogaa dhaliilay maadama sheekada uu qoray Dilip Shukla uu ka reebay xarakaad badan oo doorkeyga ah kaliya nin qalafsan ayuu iga dhigay mana kujirin qorshaha wax hees ah iyo xarakaad badan.”

Salman Khan reveals plans of Dabangg 4: We have written part 4 too

“Aniga ayaa kusoo daray qorshaha dambe ee heesaha iyo xarakaadka kaleba waana fikirkeyga si lamid ah Dabangg 2 waxaa la qorsheeyay in aan ku jilaayo nin aan laheen wax reer ah oo kaligiis ah.”

“Arinkaan maalmo ayaa ka doodeynay aniga iyo kooxda waxaana ku qabsaday sidee macquul ku tahay in qeybta kowaad lagu daawaday anigoo reer leh oo aabo, hooyo iyo walaalba leh in qeybta labaad halmar la wayo iyagii oodhan sabab la’aan.”

“Ugu dambeyn waa lagu soo daray reerkii qeybtii 2-aad sido kale qeybta 3-aad (Dabangg 3) waxuu ka hadli doonaa sidii aan ku noqday askariga Chulbul Panday waxaana ku arki doontaan qiso hore iyo sheekooyin hore bilawga nolosha Chulbul Panday laga sheekeynaayo xanuunadii uu soo maray iyo qiirooyin badan.”

“Ugu dambeyn waxaan idiin sheegayaa in Dabangg 3 xarakaad, heeso xul ah wax walbo leeyahay balse muhiimadiisa tahay sida Chulbul Panday askari ku noqday oo dadka looga sheekeynaayo waxaan kaloo xili hore qornay sheekada Dabangg 4 waana diyaar.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here