Home » Nolosha Jilaayaasha » Salman Khan Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Aan Marnaba Noloshiisa Buug Looga Qori Doonin

Salman Khan Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Aan Marnaba Noloshiisa Buug Looga Qori Doonin

Mega Star Salman Khan wuxuu ka mid yahay atooraha ugu caansan uguna awooda badan ee ebid fanka Hindiya soo mareen.

Salman Khan ayaa meesha ka saaray in noloshiisa buug laga qori doonin halka shaqsiyaadka caanka ah sida looga bartay marka ay gaboobaan ama shaqada fanka ka baxaan buug noloshooda laga qoro.

Madaama Salman Khan noloshiisa tahay mid xiiso badan oo hoos u dhac iyo sare u kac leh qof walbana uu jeclaan lahaa inuu aqristo ama helo xogta Super Star-kaan oo dhameestiran hadana Salman aragtidaas ma qabo.

Salman Khan wuxuu yiri “Uma maleenayo waligeey inaan qori doono buug nolosheyda oo dhan ka hadlaayo, waa geesinimada ugu weyn ee qof sameyn karo in noloshiisa uu daaha ka qaado ayadoo qoran”

“Laakiin aniga ahaan geesinimadaas ma lehi inaan nolosheyda buug kusoo qoro, hada kuma qori doono, xitaa 5-sano ee soo socoto, waxaaba macquul ah in waligey aan nolosheyda buug ka qorin, waxaan u maleynaa Dharmendra oo kaliya ayaa midaas fahmi karo”

F.G: Waa Maqaal Kucelis Ah Oo Aan Dib U Daabaceno Si Keydka Shabakada Aan Dib Ugu So Celino: